𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐝𝐡𝐞𝐱𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚
Muqdisho , Talaada, 11 Ogosto 2026 : Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay shirka ka-baaraandegidda Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka oo diiradda saaraysa isku-xirka dhaqaale, ganacsi iyo kaabayaal ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, ay na ka soo qayb-galeen qaar ka mid ah wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaliya, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo khubaro farsamo.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Qaaradda Afrika ay maanta tahay mid ka mid ah suuqyada u waaweyn caalamka, ee dunida inteeda kale doonayso in ay wax ka iibiso, Soomaaliya na ay haysato fursaddii ay noqon lahayd buundadii isku xidhi lahayd caalamka intiisa kale iyo Afrika maaddaama ay leedahay xeebta u dheer Qaaradda Afrika.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay in caqabadda u weyn ee dalalka Afrika soo wajahayaan uu is-dhexgalka dhaqaale u weyn yahay maaddaama aysan jirin ganacsi ballaadhan oo dalalka qaaradda u dhexeeya, ayna muhiim tahay in aragti cilmi ku dhisan la la yimaado si fursaddahaas jira Soomaaliya iyo dadkeedu u ga faa’iidi lahaayeen.
Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolkau waxa ay dejinaysaa jihada Soomaaliya uga faa’iidaysan karto marinadeeda ganacsi, dekedaha iyo soohdimaha, si loo fududeeyo ganacsiga, loo ballaariyo suuqyada, loo kobciyo maalgashiga, loo na xoojiyo isku-xirka dhaqaale ee Soomaaliya, Geeska iyo Bariga Afrika iyo qaaradda inteeda kale.
- DHAMMAAD -
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: media@opm.gov.so
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia