Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
Tiirarka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Xarunta Dhexe Ee Xukuumadda Oo Dib Loo Dhisayo

Muqdisho, Arbaco, Feberaayo 19, 2020 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib-u-dhis bal

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Xarunta Dhexe Ee Xukuumadda Oo Dib Loo Dhisayo
Muqdisho, Arbaco, Feberaayo 19, 2020—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib-u-dhis ballaaran. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib-u-dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha, waxuuna kula dardaarmay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan si loogu guuleysto in xukuumaddu ku shaqo billaawdo. Guriga xukuumadda ayaa noqoqeyna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta dhexe ee xukuumaddu ku shaqeyso. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliso wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, ayaa sidoo kale kormeeray sida uu u socdo dhismaha garoonka ciyaaraha Muqdisho oo qeyb ka ah xarumaha muhiimka ah u ah horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo is-dhex galka bulshada —DHAMMAAD—- Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Soomaaliya www.opm.gov.so www.flickr.com Youtube Twitter: @SomaliPM @HassanAKhaire Facebook: OPMSomalia HassanAliKhaire instagram: hassanakhaire opmsomalia