Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
Tiirarka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Djibouti; Khamiis, June 18, 2020 —-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre , ayaa saaka kulan kula qaatay magaalada Djibouti Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti m

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Djibouti; Khamiis, June 18, 2020 —-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa saaka kulan kula qaatay magaalada Djibouti Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahad celiyay gogosha uu u fidiyay Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixiyay in wadahadallada ay guul ku soo dhamaadaan. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda labada dal ee walaalaha ah. —DHAMMAAD—- Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Soomaaliya www.opm.gov.so www.flickr.com Youtube Twitter: @SomaliPM @HassanAKhaire Facebook: OPMSomalia HassanAliKhaire instagram: hassanakhaire opmsomalia