Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA XFS OO FURAY SHIRWEYNAHA QARAN EE SHAQAALAHA CAAFIMAADKA

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 , 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟭𝟯 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya oo looga hadlaayo

RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA XFS OO FURAY SHIRWEYNAHA QARAN EE SHAQAALAHA CAAFIMAADKA
Muqdisho, Juun 13, 2023— Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya oo looga hadlaayo horumarinta xirfadleyaasha Caafimaadka dalka. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay kor u qaadidda tayada xirfadleyaasha caafimaadka dalka iyo sidii loo heli lahaa dhaqaatiir buuxisa baahida caafimaad ee dalkeenna ka jirta. Shirka oo soconaya muddo labo maalin ah ayaa lagu lagu falanqeyn doonaa sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaadka oo adkaysi iyo tayo leh, kuwaas oo muhiim u ah dalka.