Muqdisho, Sabti, 26 Sebteembar 2026:— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u sugeen…

Muqdisho, Sabti, 26 Sebteembar 2026:— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u sugeen amniga caasimadda iyo guud ahaan dalkeenna.
Munaasabaddan oo ay si wadajir ah usoo qaban-qabiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda. Waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay taliyeyaasha ciidamadda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka , Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafladda ka hor shir la qaatay taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee dalka ayaa dhagaystay warbixin ku saabsan amniga caasimadda, taas oo muujisay in 86.06% hoos loo dhigey falalkii amni darada Muqdisho intii u dhaxaysay 2023-2026 kadib qorshe xiriirsan oo amni.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa oo la hadlay saraakiisha ayaa yiri “ 𝐐𝐨𝐟𝐧𝐚 𝐲𝐚𝐚𝐧𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐢𝐧 𝐮𝐮 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐜𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐨, 𝐪𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐮𝐮 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐢𝐛𝐚 𝐡𝐚 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐨”, isaga oo ciidamada kala duwan ku ammaanay guulaha waaweyn ee laga gaaray xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.
— DHAMMAAD —
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: media@opm.gov.so
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia