Balanballe, Isniin 5 Oktoobar, 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka…

Balanballe, Isniin 5 Oktoobar, 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug, maamulka degmada Balanballe, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankan ku dhaqan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa goobjoog ka noqday heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha walaalaha ah ee degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, kadib colaado sanado badan qaatay oo halkaas ka jiray.
Xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen bulshada labada degmo, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhallinyarada , goobjoogna ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Xamsa , Madaxweynaha Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal ah ayay labada ugaas ee beelahan , ee kala ah Ugaas Maxamed Ugaas Kayse iyo Ugaas Xasan Ugaas meel fagaaro ah ku saxiixeen heshiis 8 qodob ka kooban oo gebi ahaanba lagu soo afmeeray colaaddii jirtay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay madasha ayaa yiri:“Gogoshan waxaa iiga muuqata in labada dhinac ay ka go’an tahay in ay si dhab ah u heshiiyaan, Illaahayna wuxuu ballanqaaday in cidkasta oo niyad wanaagsan la timaadda uu waafajinayo, haddii cid ku xad-gudubto waxaad ku heshiiseen waa in aad ku xallisaan Shareecada Islaamka”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadalkiisa sii watay ayaa si weyn u bogaadiyay heshiiska la gaaray , kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid waafaqsan qorshaha xukuumadda ee Soomaali Heshiis ah, wuxuuna sheegay in heshiiskan uu horseedi doono nabad waarta, horumar dhaqaale iyo in shacabka si wanaagsan loo gaarsiiyo adeegyada dowladda maadaamaa ay colaaddii hadda dhammaatay.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa degmada Balanballe waxa uu dhagax-dhigay Aqalka Nabadda, waxana uu ballanqaaday in la dhisayo iskuul wax lagu barro carruurtii ku agoontoowday colaadaha, sidoo kale la dhisayo garoon ciyaaro, saldhig ciidan iyo dhammaystirka Garoonka Diyaaradaha.
Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu dhanka kale tababar usoo xirey cutub ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda kuwaas oo ku biiraya ciidanka amniga dalka .
— DHAMMAAD —
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: media@opm.gov.so
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia