Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdiqaadir Xaa
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad Dowlad-goboleedka Jubbaland, oo ahaa oday Soomaaliyeed oo door weyn ka soo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta, wadajirka iyo dhismaha dowladnimada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in marxuumku uu tiir dhexaad u ahaa had iyo goorna u taagnaa ka shaqeynta midnimada, wadajirka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Jubbaland iyo sidii ay u heli lahaayeen nabad waarta iyo dowladnimo sal-adag. Mudane Xamsa, ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu ka waraabiyo naxariistiisa Jannatul Firdows, ehelka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.