Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC—Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddee

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC—Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo.
Ra’iisul Wasaaraha, oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.
Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah:
1. Madaxtooyada Maamulka SSC-Khaatumo.
2. Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda, Laanta Laascanood.
3. Xarunta Boliiska SSC-Khaatumo.
4. Xarunta Cilmiga Farsmada Gacanta ee Sayid Maxamed.
5. Waddo laami ah oo isku xiri dooonta Samakaab iyo Buuhoodle
6. Xafiisyo kala duwan oo ay ku shaqayn doonaan maamulka SSC-Khaatumo.
7. Xarunta Qaran ee Gurmadka degdegga ah (SODMA).
8. Isbitaalka dowladda SSC-Khaatumo( State House Hospital).
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka.
— DHAMMAAD —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
https://opm.gov.so/https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/



















