Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
Soomaali Heshiis La Ah Dunida

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr Chen Wendi. Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr Chen Wendi. Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Shiinaha siiyo dalkeena, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada. — Dhammaad — Wixii Faah-faahin ah kala xiriir Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW Farxaan Maxamed Jimcaale farhan.jimale@opm.gov.so media@opm.gov.so Muqdisho, Soomaaliya https://opm.gov.so/ https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/