Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo tallooyin ka dhagaystay Isimmada dhaqanka Buuhoodle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Isimadda dhaqanka ee Buuhoodle. Ra’iisul Wasaaraha, oo ku guda jira La-tashiyada bulshada deegaannada SSC-Khaatumo, ayaa

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo tallooyin ka dhagaystay Isimmada dhaqanka Buuhoodle
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Isimadda dhaqanka ee Buuhoodle. Ra’iisul Wasaaraha, oo ku guda jira La-tashiyada bulshada deegaannada SSC-Khaatumo, ayaa isimada ka dhagaystay aragtiyo iyo tallooyin ku aaddan dowlad-dhiska iyo I midnimada dalka. Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey bahda dhaqanka doorkooda ku aaddan dib-u heshiisiinta iyo hirgalinta nabadda, waxaa uunna ballan-qaaday in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto nabadda iyo midnimada, isaga oo xusay in bahda dhaqanka looga baahan yahay in ay kaalin muhiim ah ka geystaan dedaalka loogu jiro isku keenidda shacabka Soomaaliyeed. —DHAMMAAD— Wixii Faah-faahin ah kala xiriir Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW Farxaan Maxamed Jimcaale farhan.jimale@opm.gov.so media@opm.gov.so Muqdisho, Soomaaliya https://opm.gov.so/ https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/