Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalka oo u safray dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u ambo-baxay dalka Marooko, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha sanadlaha ah ee MEdays. Madasha oo sanadkan ay ka

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalka  oo u safray dalka Marooko
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u ambo-baxay dalka Marooko, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha sanadlaha ah ee MEdays. Madasha oo sanadkan ay ka soo qeybgalayaan 120 waddan, is lamarkaana uu martigelinayo Boqorka Marooko, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, dadaallada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo dowladnimada. MEdays oo sanadkan la qabanayo Shirkiisii 17-aad, ayaa waxa uu diiradda saaraya isbeddellada xawliga ku socda ee siyaasadda caalamka, mustaqbalka amniga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka adduunka. — DHAMMAAD — Cabdinaasir Axmed Bashiir Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW E-mail media@opm.gov.so Tell +252771770958 https://www.facebook.com/OPMSomalia https://x.com/somalipm https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/ https://www.instagram.com/opmsomalia https://www.youtube.com/@opmsomalia9471 https://www.opm.gov.so