𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱𝗼 𝟬𝟮 𝗠𝗮𝗮𝗷𝗼 𝟮𝟬𝟮𝟯—Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada sano ee

Muqdisho, Talaado 02 Maajo 2023—Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada sano ee soo socota.
Geeddisocodkan oo ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajood farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa waxaa looga golleeyahay in dhidibada loogu aaso xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dhinac.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan taariikhiga ah, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
“Qorshahan wadashaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay inaan iskaashigan uga faa’iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa’iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan Wadashaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddisocodka Wadashaqaynta ee dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna Dowladda Federaalka ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddeynta iyo horumarinta dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu tillaabsado nabad waarta iyo baraaro.
“Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah”, ayuu yiri Mr. Fontelles.
Lifaaqa 1
Geeddi-socodka maanta la daahfuray ayaa qeexaya Saddex aag oo ay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan Labada sano ee soo socota. Waxaana gundhig u ah;




–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia