𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 , 𝟮𝟳 , 𝗝𝘂𝗹𝘆 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 — Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo D

Muqdisho, 27, July, 2023— Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.
Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta .
Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.
Golaha ayaa sidoo kale
meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;
1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

—DHAMMAAD —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia