𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 , 𝟭𝟵 𝗝𝘂𝘂𝗻 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taliyaha cusub ee C

Muqdisho, 19 Juun, 2023— Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed in uu noqdo, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda.

–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia