Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo uu wehelinayo Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo...

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo uu wehelinayo Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo ganacsato ka kala socota gudaha dalka iyo dibadda, ayaa kormeeray doomaha kalluumaysiga ee ku sugan Dekedda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal xooggan ugu jirto sidii suuqyo cusub oo caalami ah loogu heli lahaa kalluunka Soomaaliyeed iyo wax-soo-saarka kale ee dalka, si loo dhiirrigeliyo maalgashiga, loo abuuro fursado shaqo, loona kobciyo dhaqaalaha dalka.
— DHAMMAAD —