Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Shir-Sannadeedka Labaad ee Isku-dubbaridka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Shir-Sannadeedka Labaad ee Isku-dubbaridka Heerarka Dowladda ee Adeegyada Bulshada.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in wada-shaqaynta iyo isku-dubbaridka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu ay laf-dhabar u yihiin dardargelinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee 2025–2029.
Ra,iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ka sugayaan waxqabad iyo adeegyo tayo leh oo si siman u gaara dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan bulshada nugul.
Mudane Jibriil ayaa ku boorriyay hay’adaha dowladda inay xoojiyaan wada-shaqaynta, isla-xisaabtanka iyo dabagalka go’aannada, si qorsheyaasha loogu beddelo natiijooyin wax-ku-ool ah oo ay bulshadu saameen ku yeelata.
— DHAMMAAD —