Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dalka Qatar Uga Qayb Gelaya Madasha Dooxa

Muqdisho, Jimce, Deseembar 13, 2019 — Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii seda

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dalka Qatar Uga Qayb Gelaya Madasha Dooxa
Muqdisho, Jimce, Deseembar 13, 2019— Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iy0 2017 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa. —DHAMMAAD—- Xafiiska Warbaahinta iyo XiriirkaMuqdisho, Soomaaliyawww.opm.gov.sohttps://www.flickr.com/photos/opmsomalia/Twitter:@SomaliPM@HassanAKhairehttps://www.facebook.com/OPMSomaliahttps://www.facebook.com/HassanAliKhaire