𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝗠𝗮𝘆, 𝟬𝟮, 𝟮𝟬𝟮𝟯—Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah-furay hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya oo ay soo diyaari

Muqdishu May, 02, 2023—Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah-furay hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Waasaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, gaar ahaan Hay’adda Qiimeynta Qaranka (National Statistics Agency).
Barnaamijkan oo socon doona muddo labo sano iyo dheeraad ah ayaa laga fulinayaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, iyada oo dowladda uu ka caawinayo bixinta adeegyada bulshada, amniga iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in muddo hadda laga joogo in ka badan afartan sano ay ugu danbeysay tirakoob lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed, waxuuna ku ammaanay hay’adda Qiimeynta Qaranka iyo Wasaaradda Qorsheynta dadaalkooda ku aadan sameynta hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya.

–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia