𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 , 𝗠𝗮𝗮𝗷𝗼 𝟮𝟰 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 —-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee M

Muqdisho, Maajo 24, 2023—-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.
Bandhiggan oo ah midkii 7-aad ayaa waxaa kasoo qayb galay aqoonyahanno, macallimiin, arday, qorayaal iyo akhristayaal ka kala yimid guud ahaan dalalka caalamka iyo gobollada dalka.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda akhriska iyo qoraalku u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka kaliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay aqoonta iyo akhriska.
Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Xukuumadda #DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso dhiirri-gelinta akhriska iyo qoraalka, waxuuna si wayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyayaasha bandhiggan buugaagta ee Muqdisho.

–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
@SomaliGov_Spox
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia