Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyey Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Muqdisho, May 22, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo looga arrinsanayo sii ambaqaadidda

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyey Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka
Muqdisho, May 22, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo looga arrinsanayo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.