MUQDISHO, 14-ka Febraayo, 2021: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Gobol

MUQDISHO, 14-ka Febraayo, 2021: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.
Xubnaha guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay waxa ay kala yihiin;
1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya 2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland. 4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland 5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland. 6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland 7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug. 8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug. 9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed. 10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed. 11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle. 12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle. 13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir. 14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u rajeeyay guddigan in ay u gutaan waajibaadka loo igmaday si hufan oo ay xilkasnimo ku jirto.