Muqdisho , Nofeembar 20, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadidda dadka la il-daran abaaraha ka dhac

Muqdisho , Nofeembar 20, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadidda dadka la il-daran abaaraha ka dhacay meel badan ee waddanka ah.
Guddigan oo ka kooban 7 Wasaaradood ayaa kala;
1. Wasaaradda Gargaarka 2. Wasaaradda Maaliyadda 3. Wasaaradda Qorshaynta 4. Wasaaradda Caafimaadka 5. Wasaaradda Beeraha 6. Wasaaradda Warfaafinta 7. Wasaaradda BiyahaRa’iisul Wasaaraha ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la soo caawiyo dadka tabaalaysan.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia