𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 , 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟬𝟱 , 𝟮𝟬𝟮𝟯—- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda

Muqdisho, Juun 05, 2023—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-bannaan.
Kulanka ayaa warbixinno looga dhageystay hay’adaha ka wada tirsan Tiirka Caddaaladda, oo soo bandhigay howlaha ka fulay ajandayashi horutabinta u lahaa Tiirka iyo howlaha hadda horyaala.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa soo bandhigtay sharciga caddaaladda da’yarta Soomaaliyeed oo muhiim u ah dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee la xiriira kor u qaadidda hannaanka Caddaaladda dalka iyo in deegaannadii dhowaan cadowga laga saaray laga hirgeliyo adeeg garsoor oo bulshada kala haga.
