Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Mudane, Xamse Cabdi Barre waxa ay mudnaan siin doontaa howlaha hortabinta u leh Hay’adaha Garsoorka iyo Cadaaladda. Cadaaladda waxaa udub dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo ka hi

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Mudane, Xamse Cabdi Barre waxa ay mudnaan siin doontaa howlaha hortabinta u leh Hay’adaha Garsoorka iyo Cadaaladda. Cadaaladda waxaa udub dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo ka hirgala dalka oo dhan.
Xukuumaddu waxay ahmiyad gaar ah siin doontaa dardar-gelinta howlaha Golaha Adeegga Garsoorka. Hiigsiga Xukuumaddu waa dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya u garnaqidda dadwaynaha dhexdooda, muwaadaniinta iyo dowladda, iyo hay’addaha dowladda dhexdooda. Wax-ka-qabadka cadaalad-darrada waxaa ugu horreynaya kudhaqanka saraynta sharciga iyadoo shuruucda dalku ay isku si u xakamaynayaan muwaadinka iyo hay’adaha dowladda.
Hadafka uu garsoorku higsanayo waa soo celinta kalsoonida muwaadinku ku qabo nidaamka cadaaladda dalka, iyo in uu helo nabad iyo ammaan, kuna noolaado cabsi la’aan uu sharcigu dammaanad qaadayo. Haddaba si yoolkaas loo xaqiijiyo, Xukuumaddu waxay hirgelinaysaa nidaam cadaaladeed oo awood u siinaya dadka oodhan iyadoo aan la fiirinayn jinsigooda, maqaamkooda bulsho, awooddooda dhaqaale iyo wax kasta oo sababi kara takoor. Waxa ay Xukuumaddu xoogga saari doontaa dib-u-habaynta iyo awood-dhiska hay’adaha garsoorka ee dalka iyo korjoogtayntooda.
Waxaa Xukuumadda ka go’an hirgelinta xeerarka wadaniga ah iyo kuwa dowliga ah ee xuquuqda aadanaha iyo dhawristooda, gaar ahaanna meelmarinta heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya qaybta ka tahay.
Halbeegyada Hortabinta leh:
2.1 MAAMUL-WANAAGGA IYO ISLAXISAABTANKA
Cadaaladda waxaa saldhig u ah in la abuuro aqoon ku salaysan sharci iyo nidaam, taasoo iyana aan ka maarmin aqoon iyo tayo ay ku dheehantahay wax garad, iyo tix-galinta danaha guud ee bulsho.
Gaabiska howlaha hay’adaha dowladda waxaa sal u ah isla xisaabtan la’aanta ka jirta hay’adaha dowladda taas oo keentay in ay habacsanaan ku timaado waxqabadka hay’adaha dowladda. Isla xisaabtan la’aan micnaheedu waa “dhiirigalinta Musuqa”. Sidaa daraadeed, “Maamul Wanaagga iyo Isla-xisaabtanka” waa arrimaha muhiimadda iyo hortabinta u leh Xukuumadayda, taasoo keeni doonta hay’ado awood iyo karti u leh fulinta waajibaadka Qaranka.
Hadaba si loo helo hay’ado iyo shaqaale fulin kara waajibaadka Qaran waa in:
Halbeegyada Hortabinta leh: