𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 , 𝟭𝟱 , 𝗔𝘂𝗴𝘂𝘀𝘁 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 – 𝗸𝘂 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaali

Muqdisho, 15, August, 2023–ku Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee aan la leenahay Midowga Yurub. Isaga oo dhanka kale guul iyo nasiib wacan u rajeeyey Danjiraha.
Dhankeeda, Danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisay sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

—DHAMMAAD —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia