𝐃𝐨𝐡𝐚: 𝟒, 𝐒𝐞𝐛𝐭𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫, 𝟐𝟎𝟐𝟑— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayay ayaa si diirran galabta loogu soo dhaweeyay magaa

Doha: 4, Sebtember, 2023— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayay ayaa si diirran galabta loogu soo dhaweeyay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar, Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa booqasho 3 maalmood oo rasmi ah ay ku joogi doonaan dalkan Qatar, isaga oo kala hadli doona madaxda Qatar xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.


—DHAMMAAD —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia