𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 𝟬𝟮 𝗦𝗲𝗯𝘁𝗲𝗲𝗺𝗯𝗮𝗿 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta W

Muqdisho 02 Sebteembar, 2023— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Hoggaannada Ciidanka X.D.S. iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Xukuumadda #DanQaran ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.
Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka halka sano socda ee Khawaarijta looga sifeynayo dalka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu xusay in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.
Waxa uu sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

#OPM
#SifeyntaKhawaarijta
#SooqaboKhawaarijka
#hakaharinhowgalka
—DHAMMAAD —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia