Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaannada laga soo doorto Puntland

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 , 𝟮𝟯 , 𝗝𝘂𝗹𝘆 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhib

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaannada laga soo doorto Puntland
Muqdisho, 23, July, 2023— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa. Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi. Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay. –DHAMMAAD— Wixii Faah-faahin ah kala xiriir Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW Farxaan Maxamed Jimcaale farhan.jimale@opm.gov.so media@opm.gov.so Muqdisho, Soomaaliya www.opm.gov.so Twitter: @SomaliPM Facebook: OPMSomalia Flickr https://www.flickr.com/people/opmsomalia/ instagram: opmsomalia