𝗗𝗮𝗿 𝗲𝘀 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺 , 𝗧𝗮𝗻𝘇𝗮𝗻𝗶𝗮 , 𝟮𝟲 , 𝗝𝘂𝗹𝘆 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay maanta Shir Madaxeedka Afrik

Dar es Salaam, Tanzania, 26, July, 2023– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay maanta Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay Xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka.
Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.





—DHAMMAAD —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia