Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gebagabeeyey safarkii taariikhiga ahaa ee afartii maalmood ee la soo dhaafay uu ku joogay magaalada laascaanood

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku soo laabtay Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gebagabeeyey safarkii taariikhiga ahaa ee afartii maalmood ee la soo dhaafay uu ku joogay magaalada laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo isagoo dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Mas’uuliyiin iyo qeybaha Bulshada. Ra’iisul Wasaare Xamsa,oo 12–kii bisha safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ku gaaray Laascaanood ayaa dhagax dhigay Mashaariic badan oo hormarineed, isaga oo qaar kalena daah-furay, waxaana uu maamulka iyo bulshada degaanka ku bogaadiyey sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed Safarkii Nabadda iyo Midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo gebagaboobay si guul ah. —DHAMMAAD— Wixii Faah-faahin ah kala xiriir Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW Farxaan Maxamed Jimcaale farhan.jimale@opm.gov.so media@opm.gov.so Muqdisho, Soomaaliya https://opm.gov.so/ https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/