𝗡𝗲𝘄 𝗬𝗼𝗿𝗸, 𝟮𝟮 𝗦𝗲𝗯𝘁𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿, 𝟮𝟬𝟮𝟯–– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud

New York, 22 Sebtember, 2023–– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Secretary-General António Guterres (right) meets with Hamza Abdi Barre, Prime Minister of the Federal Republic of Somalia.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia