Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO QAABILAY ERGAYGA CUSUB EE XOGHAYAHA GUUD EE QM U SOOMAGACAABAY SOOMAALIYA

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 , 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟬𝟳 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Mid

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO QAABILAY ERGAYGA CUSUB EE XOGHAYAHA GUUD EE QM U SOOMAGACAABAY SOOMAALIYA
Muqdisho, Juun 07, 2023—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Catriona Laing, waxayna, ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hay’adaha QM siiyaan Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo. Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya Catriona Laing, ayaa dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.