Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka dowladda qadar

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 𝟮𝟯 , 𝗔𝘂𝗴𝘂𝘀𝘁 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Ca

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka dowladda qadar
Muqdisho 23, August, 2023— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaadshiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka. Dhankiisa, Danjire Cabdalla ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. —DHAMMAAD — Wixii Faah-faahin ah kala xiriir Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW Farxaan Maxamed Jimcaale farhan.jimale@opm.gov.so media@opm.gov.so Muqdisho, Soomaaliya www.opm.gov.so Twitter: @SomaliPM Facebook: OPMSomalia Flickr https://www.flickr.com/people/opmsomalia/ instagram: opmsomalia