𝗜𝗡𝗡𝗔𝗔 𝗟𝗜𝗟𝗔𝗔𝗛𝗜 𝗪𝗔 𝗜𝗡𝗡𝗔𝗔 𝗜𝗟𝗘𝗬𝗛𝗜 𝗥𝗔𝗔𝗝𝗜𝗖𝗨𝗨𝗡 𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 𝟭𝟲 , 𝗔𝘂𝗴𝘂𝘀𝘁 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qoyska, eh

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Muqdisho 16,August, 2023— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u Naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ka tacsiyeeyay shacabka kale ee ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta Laascaanood.
Abwaanku wuxuu ahaa hal abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay Abwaanka iyo shacabka kaleba in uu ugu deeqo Janatul Fardowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.