Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

𝗗𝗵𝘂𝘂𝘀𝗮𝗺𝗮𝗿𝗲𝗲𝗯 : 𝟮𝟱 𝗔𝘂𝗴𝘂𝘀𝘁 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 — Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa galab

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb
Dhuusamareeb: 25 August, 2023— Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb oo uu uga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaraha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, masuuliyiin iyo dadweyne farabadan oo ruxayay caleemo qoyan. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Dhuusamareeb, isaga oo dowladda Galmudug iyo shacabka ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee qaybta uga qaadanayaan halganka dalka lagaga xoreynayo kooxaha Khawaarijta. —DHAMMAAD — Wixii Faah-faahin ah kala xiriir Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW Farxaan Maxamed Jimcaale farhan.jimale@opm.gov.so media@opm.gov.so Muqdisho, Soomaaliya www.opm.gov.so Twitter: @SomaliPM Facebook: OPMSomalia Flickr https://www.flickr.com/people/opmsomalia/ instagram: opmsomalia