𝗠𝗶𝗻𝗻𝗲𝗮𝗽𝗼𝗹𝗶𝘀 𝟮𝟱, 𝗦𝗲𝗽𝘁𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟯—- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Min

Minneapolis 25, September 2023—- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumaankun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan horumarka ay Dowladdu ku tillaabsatay ee dhinacyadfa amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta, Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, isagoo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia