𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝟯 𝗠𝗮𝗮𝗷𝗼 𝟮𝟬𝟮𝟯—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah. Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay: Qodobka 97aad faqradi

Muqdishu 3 Maajo 2023—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.
Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:
Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG.
Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.
Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.
Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.
Markuu tixgeliyay:
Talada Madaxweynaha JFS
Markuu garowsaday:
Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.
Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

–DHAMMAAD—
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia