Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 , 𝗠𝗮𝗮𝗷𝗼 𝟬𝟮 , 𝟮𝟬𝟮𝟯 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayey shirkadaha ku guuleysatay sannadkan adeegga xuj

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan  8 Milyan oo dollar
Muqdisho, Maajo 02, 2023—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayey shirkadaha ku guuleysatay sannadkan adeegga xujeyda Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran in ay xalliso dhammaan caqabadaha la soo gudboonaan jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya gudashada acmaasha rukunka shanaad ee diinta Islaamka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar, kaddib markii meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddiga Arrimaha Xujeyda iyo shirkadaha Soomaaliyeed ee adeegyada xajka sida wanaagsan ee ay sannadkan u maareeyeen maamulka arrimaha xajka, waxa uuna ugu hambalyeeyey shirkadaha ku guuleystay tartanka. DHAMMAAD