Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Muqdisho; Talaado, July 28, 2020 —-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan sii hayayaasha wasaaradaha dekadaha iyo maaliyadda ayaa maanta kormeeray Dekadda Muqdisho oo kamid ah i

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho
Muqdisho; Talaado, July 28, 2020 —-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan sii hayayaasha wasaaradaha dekadaha iyo maaliyadda ayaa maanta kormeeray Dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka. Kormeerka Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa salka ku haya hubinta habsami u socodka shaqooyinka hey’adaha dowladda iyo kahor tagga gaabis ku yimaada hannaanka shaqo sababo la xariira isbedelka siyaasadeed ee dalka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maamulka dekadda faray inay laba jibaaraan shaqooyinka ay qaranka u hayaan oo ay sare u qaadaan hufnaanta si ay qayb uga noqdaan gaaridda himilooyinka qaranka. —DHAMMAAD—- Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Soomaaliya www.opm.gov.so www.flickr.com Youtube Twitter: @SomaliPM @KhadarGulaid Facebook: OPMSomalia Mahdi M. Gulaid instagram: opmsomalia