Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Hirsi Ganni ayaa guddoomiyey shirka Tiirarka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Muqdishu November 6 2022— Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Hirsi Ganni ayaa guddoomiyey shirka Tiirarka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay Barnaamijka Xukuumadda ee Baa

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Hirsi Ganni ayaa guddoomiyey shirka Tiirarka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha
Muqdishu November 6 2022—Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Hirsi Ganni ayaa guddoomiyey shirka Tiirarka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay Barnaamijka Xukuumadda ee Baarlamaanku ansixiyey iyo sidii loo dardar-gelin lahaa fulinta qodobadii ku xusnaa barmaajika. Sidoo kale, shirka ayaa lagu falan-qeeyey arrimaha ay ka wada shaqeynayaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradaha Xukuumadda, gaar ahaan halbeegyada mudnaanta leh, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyada ay ka sugayaan dowladda.