Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Xukuumadda oo Meel Marisay 5 Xubnood oo Kamid Noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka Iyo Xubnaha Maamulka Hey’adda Batroolka

Muqdisho; Khamiis, July 30, 2020 —-Shir ay yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo kamid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka. X

Xukuumadda oo Meel Marisay 5 Xubnood oo Kamid Noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka Iyo Xubnaha Maamulka Hey’adda Batroolka
Muqdisho; Khamiis, July 30, 2020—-Shir ay yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo kamid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka. Xubnaha goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali CIsmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar shirka oo uu guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed. Xubnaha maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed ee goluhu meel mariyay ayaa kala ah: Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye), Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen), Ibraahim Axmed Leyte (Xubin), Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin), Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin), Axmed Xaaji Cabdi (Xubin), Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin) iyo Mahad Maxamed Sh. Xasan (Xubin). —DHAMMAAD—- Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Soomaaliya www.opm.gov.so www.flickr.com Youtube Twitter: @SomaliPM @KhadarGulaid Facebook: OPMSomalia Mahdi M. Gulaid instagram: opmsomalia