Somalia FlagGovernment of Somalia
GOV.SO
War

Xukuumadda Oo Meel Marisay Hindise Sharciyeedyo, Siyaasado iyo Heshiisyo

Muqdisho; Khamiis, Feberaayo 28, 2019 –Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay siyaasadda diiwaan gelinta aqoonsiga dad-weynaha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaaradda arr

Xukuumadda Oo Meel Marisay Hindise Sharciyeedyo, Siyaasado iyo Heshiisyo
Muqdisho; Khamiis, Feberaayo 28, 2019 –Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay siyaasadda diiwaan gelinta aqoonsiga dad-weynaha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa wasiirradu dood dheer kadib waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda diiwan gelinta aqoonsiga dad-weynaha oo hagaysa nakhshadaynta, sharciyaynta, hir-gelinta iyo maamulka diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadwaynaha iyada oo laga faa’iidaysanayo teknoolajiyadda casriga ah. Ujeedada diiwaan gelinta aqooniga dad-weynaha ayaa ah in la sameeyo xog-dhigis aqoonsi heer qaran taas oo lagu kaydiyo xogta aasaasiga ah ee dad-weynaha si loo hayo dhammaan xogta mawaadiniinta Soomaaliyeed. Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka dawada iyo hay’adda nidaam u samaynta dawada, siyaasadda qaran ee kobcinta awoodaha dawladaha hoose, heshiiska wada-shaqaynta maaliyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, Samaynta hay’adda maal-gelinta ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe, heshiiska hidda dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska ilaalinta hiddaha dhaqanka iyo midka dabiiciga ah. —DHAMMAAD—- Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Soomaaliya www.opm.gov.so media@opm.gov.so https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/ Twitter: @SomaliPM @HassanAKhaire https://www.facebook.com/OPMSomalia